Wasaarada Warfaafinta oo ka hadashay Qoraal muran dhaliyey

1854

Wasaarada warfaafinta xukuumada Somalia ayaa cudurdaar ka bixisay qoraal muran badan dhaliyey oo maanta ka soo baxay kaasoo ahaa ogeysiis lagu doonayo gabdho cusub oo shaqaale ka noqonaya TV-ga Qaranka.

Warqada ayaa lagu qoray shuruudo laga doonayo iney soo buuxiyaan gandhaha soo dalbanaya shaqaalaha, kuwaasoo dad badan u arkeen takoor iyo aflagaado lagu sameeyey gabdhaha.

Shuruudaha lagu xiray shaqada ayaa waxaa ka mid ahaa; “inaysan ka weyneyn 25 jir, inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab talefishin, inay leedahay cod warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan”, sida qoraalka loo dhigay, iyadoo arrintan ay dood kulul ka dhalisay baraha bulshada.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CUDURDAARKA AH EE WASAARADU SOO SAARTAY

HOOS KA AQRI WARQADII HORE