Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo saartay Habraaca Doorashooyinka Maamul Goboleedyada

1560

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay mabaa’diisa iyo Habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu shaacisay in Mabda’a guud oo asalka uu yahay in la qabto doorashooyin ku dhaca hannaan dimoqraadi oo xor iyo xalaal ah

Habraacan doorashooyinka ayaa ka kooban 27 qodob oo Wasaaradda soo bandhigtay, kuwaasoo waafaqsan dastuurka KMG, waxaana habraacan uu qeexayaa qaabka loo qabanayo doorashooyinka iyo wadiiqooyinka sharciga ee loo marayo.

Habraacan ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo doorashooyin ay ku soo fool leeyihiin Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, inkastoo tan Galmudug la isku khilaafsan yahay, maadaama Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku adkeysanayo in muddo xileedkiisa uu ka bilaabanayo maalintii la doortay, ayna labo sano u dhiman tahay.