Wasaaradda Caafimaadka oo dalbatay Hey’adaha caalamiga in Nairobi laga raro Shirarka iyo Siminaarada lagu qaban jiray

1563

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha UN-ka, kuwa Deeq bixiyeyaasha iyo Iskaashiga Caalamiga in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nairobi, waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si Wakiiladda Wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka.

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray go’aan ah in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hey’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan Visaha dal ku galka u diiday Wasiiro iyo Xildhibaano ka qeyb geli lahaa shirkii ka dhici lahaa Magaalada Nairobi, waxaana tallaabada Xildhibaanada iyo Wasiirada loogu diiday Visaha dal ku galka uu sababay in dowladda Soomaaliya qaadato go’aan ah in wixii hada ka dambeeya aanay ka qeyb geli doonin shirarka Nairobi ka djaca.