Wasaaraddaha maaliyadda dowlad goboleedyada oo xirirka u jaray wasaaradda maaliyadda Soomaaliya

252

Maamul goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay xiriirka u jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii horey oo kala saxiiday ee kala ahaa:

  1. Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019
  2. Heshiiskii Kismaayo ee September 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda sida wadajir ah ay u saxiixeen shanta maamul goboleed.