DAAWO:-Wasiir Abgaal ”Waxaan la xanuunsanahay lacago xaaraan ah oo aan qaatay”

1866

Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi.

Waxa uu cafis ka dalbaday Shacabka Somaliland, waxa uuna sidoo kale ka codsaday in ay usoo duceeyaan si xanuunada uu ka qaaday lacagaha uu sheegay in ay xaaranta yihiin.

“Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn, macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”.sidaasi waxaa sheegay Maxamed Abgaal.