Wasiir Cawad oo ka jawaabay hadalkii Yoweri Museveni

1615

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo ahaa in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad maamusha.

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in Yoweri Museveni uu iska hadlay, isagoo xusay in la ogyahay in Soomaaliya ka jirtay dowlad la aqoonsan yahay.

“Wuu iska hadlay, kaliya waxaa dhici karaa waa qof iska hadlay, waa la ogyahay Soomaaliya waxay leedahay dowlad jirta oo xooggan”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay jawaab hoose gaarsiin doonaan dowladda Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa mar uu ka hadlayay shirka Garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo aan dowlad laheyn, isla markaana aysan heysan hey’ad nidaamsan oo maamusha, sida Soomaaliya oo kale.

Soomaali badan ayaa ka carootay hadalka Madaxweynaha Uganda, iyadoo baraha bulshada uga fal celiyay, waxaana tusaale u soo qaateen in 9-kii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka dhaceen doorashooyin ay saddex Madaxweyne si dimoqraadi ah xukunka ku kala wareegaan, halka Yoweri Museveni uu dalkiisa xukumayo in ka badan 30 sano.