Wasiir Fiqi “Odayaasha aaday Al-Shabaab yeysan noo soo noqon”+Video

1634

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa digniin u diray Odayaal dhaqameedyo ku dhaqan Gobolka Mudug oo dhowaan Al-Shabaab ugu yeereen deegaanada ay ka taliyaan, isagoo sheegay in aan la aqbalin in odayaashaas ay fuliyaan awaamiirta Al-Shabaab, ayna dib ugu soo laabtaan deegaanada Maamulka Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in odayaasha laga wacay deegaanada Al-Shabaab lagu amray in aanay hubka dhigin oo aanay xareyn maleeshiyaadka, isagoo xusay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo ka dambeeyay iska hor-keenka beelaha iyo dagaal beeleedyada ka dhacay Mudug.

“Waxaa maqalnay in odayaasha in odayaasha qabaa’ilka in laga wacay deegaanada Al-Shabaab, haddii ay tagaan waxba kama soo noqonayaan, kamana duwana Argagixisada”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in aanay suura gal aheyn in odayaasha dhaqanka ee aada deegaanada Al-Shabaab inay inta dib u soo laabtaan iska joogaan deegaanada maamulka Galmudug, iyagoo ku shaqeynaya tilmaamihii Al-Shabaab.

“Yeysan noo soo noqon Al-Shabaab haka mid noqdaan, haku biiraan, dagaalkana ha soo galaan, laakiin suurta gal ma ahan oday ku shaqeynaya tilmaamihii Al-Shabaab inuu na dhex joogo inuu xoriyad ku soo laabto uu noo yimaado”ayuu yiri.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa todobaadyadii u dambeeyay waday dadaalo la xiriiray amniga deegaanada maamulka, isagoo ku guuleystay in maleeshiyooyinka hubeysan ee deegaanada la xareeyo, hubkana laga dhigo.