Wasiir Fiqi oo sheegay inay taageeridoonaan jabhadaha Itoobiya

75

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay taageeri doonto jamhadaha gooni-goosadka Itoobiya, haddii Itoobiya aysan si degdeg ah uga laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

Wasiirka ayaa ku andacooday in haddii Itoobiya ay sii wado faragalinteeda iyo heshiisyada ay la gashay kooxaha gooni-goosadka, in Soomaaliya ay qaadi doonto talaabooyin uu ku tilmaamay “kala gurasho.”

Wuxuu sheegay Soomaaliya in aysan doonaynin burburka Itoobiya, balse haddii faragelinta ay sii socoto, ay Soomaaliya fursad u haysato inay cilaaqaad la sameyso jabhadaha Itoobiya.

“Annagu hadda Itoobiya burburkeeda dooni mayno, wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin, haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah, waa waddo noo furan inaan cilaaqaad la samaysano jamhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in ujeedada Itoobiya aysan ahayn in deked laga siiyo badda Soomaaliya, balse ay dooneyso inay qaadato qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

“Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka, ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,” ayuu Wasiir Fiqi intaa ku daray.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay yeelatay ciidan badeed oo ujeedkoodu yahay inay awood ciidan kula wareegaan qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee kuyaala meelaha dunida ugu istaraatiijiyadsan.