Wasiir Goodax Oo Amar Deg deg Ah Soo Saaray

1518

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu soo saaray Duhurnimadii maanta war qoraal ah uu kaga hadlayo Manaahijta Soomaaliya ee Ardayda wax lagu barayo.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in dhaqan gelinta Xeerka Buugaagta Manaahijta Soomaaliga uu saxiixay wixii hadda kadibna noqon doono mid kaas keliya in la dhigo.

“Waxaan maanta soo saaray Xeerka Ansixinta iyo Dhaqan-galka Buugaagta Manhajka Qaranka ee Dugsiga Sare oo ay qasab tahay in sannad-dugsiyeedkan lagu dhigo dhammaan dugsiyada dalka.