Wasiir Goodax oo amray in lajoojiyo wax barashada 2019-2020+VIDEO

1639

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartey Go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada,loogana hortagayo Cudurka Coronavirus.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in ardayda lagu qiimeyn doono halkii ay casharadii u marayeen Xilligii lagu dhawaaqay xiritaanka iskuulada oo ku beegneyd 19 March 2020.

Ugu dambeyn waxey sidoo kale sheegtay in ay dib ka soo sheegi doonto xilliga la gelayo imtixaanka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.