Waxaa saacadihii lasoo dhaafay isa soo tarayay wararka sheegaya in Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullaahi Cartan, oo ah isimka guud ee Beesha Dubeys – Warsangeli uu go’aamiyay in jifida Wasiirka Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan laga wareejiyo kursiga HOP#169.
ilo xog-ogaal ah ayaa ayaa inoo sheegay go’aan kasoo baxay Suldaan Maxamed oo ku aadan kursiga HOP#169, kaas oo uu ku fadhiyay Wasiir Jamaal.
Ilo-wareedyadan ayaa inoo sheegay inay macquul tahay, lana rajeynayo in go’aankan uu gaaro, maadama uu jiro dadaal muddo soo socday oo ay waddo Madaxtooyada Puntland, oo ku aadan in Jamaal Maxamed Xasan la dhaafiyo kursiga, iyadoo la adeegsanayo qalinka Suldaanka beelaha Dubeys.
Madaxtooyada Puntland ayaa kursiga Wasiir Jamaal uu ku fadhiyay sanadihii tagay la dooneysa nin lagu magacaabo Cali Mahdi Maxamed Qalato, kaas oo kasoo jeeda jifida Reer Maxamed Cumar oo ah kursiga la sheegay in Suldaan Maxamed uu u xirayo kursiga.
Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta XFS ayaa ku sugan maalmo magaalada Boosaaso oo lagu dooran doono maalmaha soo socda 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS, wallow rajadiisu ay aad u hooseyso.