Wasiir ka tirsan Jubbaland oo laga helay Coronavirus

1553

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka maamulka Jubbaland Mahdi Muxyadiin Maxamed ayaa shaaciyey in uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiir Mahdi Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xanuunkan uu isku arkay 21-kii bishan isla markaana baaritaan lagu sameeyey Axadii lasoo dhaafay natiijadiisu ay soo gaartay galabta, taas oo tilmaamaysay in uu qabo COVID-19 sida uu sheegay.

Masuulkan ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu dareemayey xanuunka fayruskan balse shaqadiisa uu u watay si caadi ah, waxuu intaas raaciyey inuu ku jiray shakiga ah in uu qabo cudurka Corona, balse uu iska dhowray shaqaalaha wasaaradda iyo qoyskiisaba, sida uu sheegay.

Wasiiru dowlihii cadaaladda Hir-Shabeelle ayaa goray ugu geeriyooday cudurka COVID-19, kadib markii uu ku soo ritay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Tirada guud kiisas Coronavirus ee laga diiwaan galiyey gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 582-kiis, waxaa kasoo bogsatay 20-qof, halka 28 qof ay u geeriyootay, inta la ogyahay.