Wasiir Kaahin oo digniin u dirtay Guddoomiye Ciro +VIDEO

1833

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay Eedeymo uu u soo jeediyay Xukuumadda Somaliland Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Cirro in uu ka qeyb ka yahay qorshe la doonaayo in nabad galiyo daro looga Abuuro degaano ka mid ah Somaliland, islamarkaana arintaasi aysan ka qeyb gali doonin oo ay la xisaabtami doonaa.

Kaahin ayaa uga digay Cirro sameynta Falal lidi ku ah Ammaanka Qaranka oo uu ku muteysan karo in Hay’addaha Ammaanka ay wax ka weydiiyaan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in xisbiga Wadani uu yahay Mid loo dhisay dhibaateynta Shacabka ku sugan degaanda maamulka Somaliland.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii Gudoomiye Cirro uu bogaadiyay Xildhibaanadii kasoo horjeestay meelmarinta xeerkii deg dega ahaa ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.