Wasiir katirsan Israa’iil oo goob fagaare ah ku ilmeeyay

79

Wasiirka maaliyadda maamulka Israa’iil, Bezalel Smotrich oo ah xagjir midigta fog ah, ayaa ilmada ceshan waayay inta uu ku jiray hadal uu ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen wasiirrada iyo saraakiisha sare ee Israa’iil iyo xisbigiisa.

Wasiirkan ayaa isaga oo ilmeenaya sheegay in dhimashada askarta iyo dadka Israa’iiliyiinta in ay gaartay tiro uusan nolashiisa horey u arag, wuxuu markii u horreysay caddeeyay dagaalka Qasa iyo Lubnaan ka socda in ay kala kulmeen khasaare aan horey usoo marin.

Bezalel Smotrich, ayaa ka mid ah xubnihii aadka ugu ololeeyay oo Netanyahu ugu hanjabay inay xilka ka qaadayaan haddii uusan dagaal ku qaadin Qasa oo uusan burburin, sidoo kale waxaa ku qasbay in ciidanka Israa’iil loo diro Lubnaan,

Wasiirka Maaliyadda maamulka Israa’iil, ayaa hadda wuxuu cod dheer ku sheegaya intan ka badan inaysan waxba sameyn karin oo aysan fiirsan karin dhimashada tiro-beelka ah, waxa uu sheegay waxa dhacaya in ay yihiin wax aysan horey xisaabta ugu darsan.

Ciidamada Israa’iil ee duullaanka ku qaaday magaalada Gaza iyo Koonfurta dalka Lubnaan ayaa la kulmaya khasaarooyin xooggan, waxaa sidoo kale duqeymaha Xisbullaah iyo Xamaas iyana ka geesanayaan gudaha Israa’iil wadno gariir ku rideen shacabka Israa’iil oo mar kasta godod ku carara.

HALKAN KADAAWO OOHINTIISA