Wasiir katirsan XFS oo laga watay ilaaladiisa

63

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow, ayaa lagala watay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta VIP-da loo yaqaan , kuwaa oo ilaalo gaar ah u ahaa wasiirka.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Saadaad Caliyow ayuu ku sheegay in ammar kasoo baxay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Diyaano looga waday ciidankii ilaalada u ahaa, waxa uuna xusay in naftiisa halis ugu jirto amni darro maadaama ilaaladiisii laga watay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ciidanka ilaalada u ahaa laga watay laguna amray in xerada booliiska ku xaroodaan, waxa uuna intaa ku daray in xiriiro uu la ameeyay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ay u suurto gali weysay in uu helo.

Ciidanka ilaalada ii ahaa kana tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed qeybta VIP kuwaasoo ii ogolaanayo Sharciga Dalka, Maadaama aan ahay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka BJFS, ahna Wasiirdowlaha Moifar – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta, waxaa Ciidankii Ilaalada ii ahaa Anigoo Ku gudo jiro shaqada Qaranka ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Gen. Asad Diyaano Amar in ay iga tagaan ii ay ku xaroodaan Hogaanka Ciidanka Aniga waxba is ogeyn, markii aan isku dayey inaan La xariiro waa waayey” ayuu yiri Wasiir Saadaad.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya xildhibaan Saadaad Caliyow , ayaa caddeeyay haddii dhibaato amni darro ku timaado in masuuliyadaasi uu qaadi doono taliyaha ciidanka booliiska Jeneraal Asad Diyaano.