Wasiir Kuxigeen iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo ku xayiran Airporka Joma Kenyatta

1566

Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya iyo labo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ilaa xalay ku xayiran garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii loo diiday dal ku galka Kenya oo looga dhufan lahaa Garoomada Wajeer iyo Nairobi.

Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Muqdisho, isagoo saarnaa diyaarad soo martay Garoonka Wajeer, waxaa la sheegay in loo diiday in Baasaboorkiisa Diblomaasiga loogu dhufto Visaha dal ku galka.

Sidoo kale Senator Ilyaas Cali Xasan

iyo Senator Zamzam Dahir ayaa iyana siyaabo kala duwan loogu xanibay Garoonka Joma Kenyatta, waxaa la sheegayaa in labadan Senator ay wateen Baasaboorka Diblomaasiga.

Waaxda Socdaalka Kenya ayaa la sheegay inay joojisay Visihii dal ku galka ahaa ee Wasiirada iyo Xildhibaanada loogu dhufan jiray garoomada diyaaradaha Kenya, waxaana tallaabadan qeyb ka tahay cadaadis siyaasadeed oo dowladda Kenya ku saareyso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan muranka labada dal u dhaxeysa ee dhinaca Badda oo ay dacwadeeda taalo Maxkamadda Hague.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabooyinka ay qaaday dowladda Kenya oo la xiriira arrinta ku saabsan duulimaadyada iyo joojinta Visaha dal ku galka ee lagu qaadan jiray Garoonka Nairobi, taasoo ahaa heshiis horay labada dal u dhex maray.