Wasiir Maareeye “Xilalka aan kahayno DFS Ma’ahan Kuwo nooqalma”+VIDEO

1826

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xilalka ay Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Somaliland ka haayan Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u qalmin.

Wasiir Maareeye oo wareysi siiyay telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta reer Somaliland ee ka tirsan Dowladda ay xilalka loo dhiibay ku suganayaan oo kaliya midnimo Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in aysan u qalmin xilalka ay dowladda ka hayaan, isagoo xusay inay doonayaan inay helaan xilalka ay u qalmaan sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in xilalka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dhiibtay Mas’uuliyiinta reer Somaliland ku sugayaan oo kaliya in lala midoobo Somaliland.

“Waxa aan ku fadhinno maaha wax noo qalma, waxa aan doonaynaa in reer Somaliland helaan xilalka ay u qalmaan ee madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, balse waxan waa wax aan ku sugayno in lala midoobo Somaliland” Ayuu yiri Maareeye.