Wasiir Oomaar oo iska diiday xilka cusub ee shalay loo magacaabay

1114

Mid ka mid ah labadii Wasiir ee uu shalay xilalka u kala bedelay RW xukuumada Somalia ayaa goor dhow shaaciyey inuu iska casilay xilkii loo magacaabay, uusana qaban karin.

Rooble ayaa shalay soo saaray wareegto xilalka loogu kala bedelay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed C/llaahi Oomaar iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Duraan Axmed Faarax.

Wasiir Oomaar oo gor dhow qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa shaaciyey inuu ka cudurdaaranayo qabashada xilka Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha ee loo magacaabay

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIR OOMAAR OO DHAMEYSTIRAN

Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N).

Wabillahi tawfiiq