Wasiir Oomaar & Safiirada Itoobiya iyo Kenya oo gaaray Berdaale

1595

Wafdi uu hogaamiynayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Xukuumada Somalia Maxamed C/llaahi Oomaar oo ay la socdaan safiirada dalalka Itoobiya iyo Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Berdaale ee gobolka Bay oo shalay diyaarad xamuul ah ay ku burburtay.

Wafdiga waxaa la socday Wasiirka Gadiidka K/Galbeed, waxayna booqdeen goobta ay ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka Garoonka magaalada Bardaale, iyadoo u socday xaqiiqo raadin ku saabsan shilka diyaaradaasi.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista dowladda Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliyaayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa garoonka Berdaale.

Shilka Diyaaradda oo la sheegay inuu yimid markii ay ciidamada Itoobiya Gantaal ku rideen ayaa waxaa ku dhintay lix qof, oo 4 ka mida ay Soomaali yihiin, halka labada kale ay Kenyan yihiin, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa degaanka Bardaale.

Dowlada Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku naf waayey shilkan, waxayna intaas ku dartay iney baaritaan ku sameyneyso sababta ay u burburtay dayuuradaas.