Wasiir Qarafaan oo ka hadlay shirkii kusoo gabagaboobay Jabuuti

1716

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay shirkii xalay kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti in uu ka turjumayo gogol xaarka wadahadalo heer sare oo dhexmara masuuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada hadal dhab ah la gasho Somaliland, si loosoo celiyo xidhiidhkii iyo walaaltinimadii ka dhaxeysay ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland.

Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu tilmaamay heshiiska la saxiixay inuu tilmaamayo in ay labada dhinac ka go’an tahay in wada hadaladu sii socdaan oo si dhab ah looga hadlo arrimaha masiiriga ah ee miiska saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa mahad celin baalaran u jeedisay Jabuuti, iyadoo ku bogaadisay marti galinta shirkaan, waxayna sheegtay Jabuuti inay tahay dowladda kaliya ee fahamsan ahmiyada ay leedahay dib u heshiisiinta Soomaaliya.