Wasiir Qorsheynta oo baabi’iyay xilka Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda

1643

Sii Hayaha Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa is bedel ku sameeyay Maamulka Wasaaradda Qorsheynta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Qorsheynta oo ku taariikheysneyd 10-ka bisha September 2020 ayaa lagu baabi’iyay Xoghayaha Joogtada ay laheyd Wasaaradda Qorsheynta

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda C/qaadir Maxamed aadan ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Sidoo kale waaxyaha kala duwna ee Wasaaradda oo markii hore lahaa Agaasimayaal Guud ayaa wixii hada ka dambeeya ay yeelanayaan Agaasime Waaxeedyo.

Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa in muddo ah Wasaaradda ka waday ku tagri fal awoodeed, iyadoo is bedelada ugu badan ee uu Wasaaradda ka sameynayay u badnaayeen kuwo eex ku dhisan.

Tan iyo markii ay dhacday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa isa soo taraya is bedelo is daba joog ah oo ka socday Wasaaradaha, kaasoo ay sameynayeen Wasiirada xilka sii haya, waxaana tallaabooyinkan ay sameynayeen Wasiirada ahaa kuwo ka muuqatay dano siyaasadeed loo fuliyay, iyadoo laga faa’ideysanayay marxalada kala guurka ee uu dalku galay.