Wasiir Sabriye oo war cusub ka soo saaray doorashada Galmudug+SAWIRRO

1649

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS ayaa kulan la qaatay guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug, waxa uuna kula dardaarmay in ay dardargeliyaan dadaallada soo xulista xildhibaanada si loo dhammeystiro geedi u socodka dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Waxa uu sheegay Wasiirku in looga baahanyahay guddiga in shaqada dhismaha Galmudug ay ku qabtaan guddigu Jadwalka ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya si looga dhabeeyo hiigsiga ah dhismaha Galmudug.

Cabdi Maxamed Sebriye ayaa maalmahaan waxa uu ku sugnaa magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug isaga oo halkaas u joogay arrimaha la xiriira dhimaha maamulka Galmudug in kasta oo ay jiraan khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-sunna oo ku aaddan tirade xildhibaanada oo Ahlu-sunna ay danaynayso in lasiiyo 35-xildhibaan dowladduna ay rabtato in la siiyo 15-xildhibaan.