Wasiir Xilkii Ka Qaaday Oday Dhaqameed

228

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xilkii Malaaqnimo ka qaadey Malaaq (Oday dhaqameed) Mohamed Adow Mohamed.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka ayaa lagu sheegay in Mad Eddow oo malaaq u ah mid ka mid ah beelaha koofur Galbeed xilka looga qaaday takrifal awoodeed iyo kala qaybin uu ku sameeyay beeshiisa, wuxuuna faray beeshaas in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan malaaq cusub., waa sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Wasiirka.