Wasiirad xaday $4.3m oo xabsiga ladhigay

1525

Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada ee dalka Zaambiya, Emerine Kabanshi, ayaa lagu riday xukun xabsi ah, kadib markii lagu helay in ay ku kacday falal musuq maasuq ah oo lacag badan lagu lunsaday.

Maxkamad kutaala magaalada Lusaka ee caasimada dalka Zaambiya ayaa labo sano oo xabsi ah ku riday Emerine Kabanshi, oo lagu helay in ay ku lug laheyd lacag gaareysa $4.3m oo la lunsaday intii wasiirka aheyd.

Lacagtan la lunsaday ayaa loogu tala galay in lagu taageero qoysas sabool ah oo u dhashay dalkaasi Zaambiya, waxaana lacagtan oo deeq ahaan loo siiyay dowladaasi wasaarada Horumarinta bulshada u marsiisay gaarsiinta dadka danta yar ee loo qorsheeyay.

 

Madaxweynaha dalka Zaambiya Edgar Lungu, ayaa sanadkii 2018-kii ku qasbanaaday in shaqada ka eryo Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada Emerine Kabanshi, kadib fadeexadan xatooyada markii ay soo baxday.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN