DAAWO:-Wasiirada arrimaha dibadda Kenya oo timid Muqdisho

1382

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay laguna soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dowlada Kenya Raychelle Omamo, iyo wefdi ay hogaamineysay.

Wefdiga ka socday dowlada Kenya waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

Raychelle Omamo , ayaa inta ay joogto magaalada Muqdisho kulamo kala duwan la qaadan doonta Wasiirka arimaha Dibadad Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxa ayna kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal.

Socdaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay Muqdisho ku timaado wasiirka arimaha dibadda dowlada Kenya, waxa uuna safarkan kusoo aadayaa xili uu soo hagaagayo xiriirka u dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyey.

Sida aan xogta ku helnay kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.