Wasiirada Caafimaadka oo xaqiijisay Xariga Agaasimihii Maamulka iyo Maliyada +VIDEO

1882

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ka hadashay xariga agaasimaha qeybta Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loo heysto arrimo la xiriira lacago loogu talo galay COVID 19 oo la musuq maasuqay.

Wasiir Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in Agaasimaha oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Buulle la xirey 4-tii Bishaan xilli habeen ah, isla markaana illaa iyo hadda aan lala wadaagin sababaha loo xirey.

“Wasaaradda waxay arrinkaan kala shaqeyneysaa xeer-ilaaliyaha Qaranka, Hanti-dhowrka, iyo ciddii kale oo sharci ahaan ay arrintaan quseyso,” ayay Fowziya u sheegtay koox wariyeyaal ah.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey inay socdaan baaritaano ku aadan sababta loo xirey, isla markaana arrintaasi ay kala kaashanayaan xeer ilaalinta Qaranka, Hanti dhowrka, iyaguna ay diyaar u yihiin baaritaan waafi ah.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha lagu eedeeyey uu leexsaday lacag dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, oo loogu talo-galay in lagu fuliyo mashruucyo caafimaad, oo ay ku jiraan la-dagaalanka Coronavirus.

Kiiskan oo ah mid weyn, sida aan xogta ku helnay, ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu lugaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waxaana weli socda baaritaan uu wado xafiiska hanti-dhowrka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta maqan la tuhunsan yahay in loo adeegsaday suuqyada sarifka lacagaha online ee Forex, waxaana jirta surta-galnimo ah in la doonayey in lacagta laga faa’iideysto, kadibna marka faa’iido laga sameeyo dib loogu soo celiyo akoonada wasaaradda, inkasta oo taas aan la hubin.

Xariga Maxamuud Maxamed Buulle ayaa yimid kadib markii Hantidhowrka Guud uu baaritaan deg deg ah ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.