Wasiirada Caafimaadka Uk oo ku dhacay Coronavirus +SAWIRRO

1723

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo.

Ms Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas, wuxuuna Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ahaa oday 80 sano jir ah.

Dhanka kale hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Ilaa iyo hadda lama oga inta qof ee ay qaadsiisay xanuunkaas iyo shirarka ay ka qeybgashay.