Wasiirada Warfaafinta Iyo Gaashaandhiga Somaliland oo Loohaysto Musuqmaasuq Iyo Xatooyo+VIDEO

1590

Xeer ilaaliyaha guud ee somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa shaaciyay in dacwado eedo musuq-maasuq ah oo loo haysto Wasiiradda Wasaaraddaha Warfaafinta Iyo Gashaan-dhigga Somaliland ay Soo Gaadheen oo Hadda ay Yalaa Xafiiska Xeer ilaalinta.

Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in qaabka sharcigu dhigayo ay u mari doonaan dacwadaasi musuq-maasuq ee hanti dhawrku soo gaadhsiiyay,waxaana uu cadeeyay in talaabooyin wax ku ool ah ay qaadi doonaan madaama oo kiiskani yahay mid culus oo xaga musuq-maasuqa ah.