Wasiirka amniga Galmudu oo ka hadlay taliyihii dhuusamareeb ee iscasilay+Video

1495

Wasiirka Amniga gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Macalin FIqi sidoo kalana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay is casilaada Taliyihii Booliska ee Magaalada Dhuusamareeb Burhaan Axmed oo Xalay is casilay.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay Galmudug kasoo gudubtay waqitigii kooxeysiga, wuxuuna taliyaha ku eedeeyey inuu weli ku dhagan yahay fikirkii kooxdii Ahlu-Sunna.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu taliyaha yahay sarkaal aan aqoonsaneyn maamulka uu u shaqeeyo oo uu u yaqaano Al-Shabaab, isagoo ku eedeyey inuu rabo inuu isku noqdo Askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukunka rida sida uu hadalka u dhigay.

<iframe width=”853″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/ko2rIQTGBmg” frameborder=”0″ allow=”accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture” allowfullscreen></iframe>wasiirka amniga Galmudu oo ka hadlay taliyihii dhuusamareeb ee iscasilay