Wasiirka Amniga iyo ciidamo uu wato oo xirtay wadada kali ah ee uu maro Farmaajo

1308

Ciidammo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa xiray wadada Ceelgaabta oo ah, wadada kaliya ee uu isticmaalo Madaxweyne Farmaajo, marka uu ka baxayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Ciidammada oo wata gaadiid dagaal oo fara-badan ayaa la sheegay in ka xanaaqeen tallaabadii saaka looga celiyay gelitaan Madaxtooyada Wasiirka Amniga, iyagoo gooyay wadada, sidoo kalena difaacyo ka sameystay.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan, kaddib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafka Madaxweyne Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo baraha bulshada isku mariyay waraaqo xambaarsan eedeeymo iyo hanjabaad.