Wasiirka Amniga oo dacwad ka dhan ah Taliye Booliska u gudbiyay Farmaajo

2004

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa dacwad ka dhan ah taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiir Isloow ayaa taliye Xijaar ku eedeeyay wada shaqeyn la’aan,wuxuuna sheegay inuu isla weyn yahay,islamarkaana aanu Xafiiska Wasaaradda amniga la soo socodsiin waxa amniga dalka ku soo kordha.

Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro isku dhac u dhaxeeya Wasiirka amniga iyo taliyaha Booliska Soomaaliya,taas oo salka ku heyso dhanka awoodda.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in Wasiirka dalbaday in xilka laga qaado Taliyaha,islamarkaana loo soo magacaabo taliye si dhow wada shaqeyn u yeelan karaan.