DAAWO:- Wasiirka Amniga oo maanta gaaray Garbahaareey +SAWIRRO

65

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaan maanta gaaray Garbahaareey ayaa isugu jiray wasiiro, xildhibaano, iyo saraakiil ciidan oo dhamaantood deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ujeedka wafdigan ayaa la sheegay inuu yahay mid xiriira dardargelinta howlaha amniga iyo horumarinta gobolka Gedo, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanada gobolkaas.

“Aniga iyo wafdigeyga waxaan u nimid Garbahaarey inaan kulamo la qaadano maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aan dhageysano baahiyaha ka jira magaaladan iyo guud ahaan gobolka, maadama uu yahay gobolka deegaan doorashadeena” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Cabdullahi Sheekh Ismaciil Fartaag

Wasiirka amniga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiraneyd ee maanta loogu sameeyay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana wafdigiisa lagu wada in halkaasi kulamo kula qaataan maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan bulshada gobolkaas.

Ugu dambeyntii tagista wafdigaan ee degmada Garbahaareey ayaa kusoo aadeysa, iyadoo khilaaf adag oo gacan ka hadal gaaray uu wali ka dhaxeeyo dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland.