Wasiirka arimaha dibada oo wasaaradiisa qayb kamid ah laga qaaday

74

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar Cali Balcad u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Xamse ee lagu magacaabay wasiir Cali Balcad ayaa ku taariiqeysan 25-kii bishaan June, waxaana magacaabistiisa ay kusoo beegmeysa, iyadoo Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee wareegtadaan laguma cadeyn in wasiir Cali Balcad uu sii ahaan doono wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo in xilkaas laga qaaday.

Cali Balcad ayaa waqti dheer ahaa kusimaha Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, wuxuuna door weyn kasoo qaatay ku biirista Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika.