Wasiirka Arrimaha Dibada Eriteriya & Madaxweynaha Soomaaliland oo kulan yeeshay +sawirro

1566

Madaweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah la qaatay wefdi a ka socda dalka Eriteriya ee uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, waxana uu kulankaas oo is xogwaraysi ahaa uu qaatay muddo saacado ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Eriteriya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, waxana ay ka warrameen ujeeddada wefdiga ka socday dalka Eriteriya u yimaadeen iyo waxyaabihii ay madaxweynaha kala hadleen.

Ugu horrayn wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda Somaliland, islamarkaana ay madaxweynahoodii ku celin doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,

“Wedtigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaaray waqtigii aannu Somaliland imaan lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Ereteriya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa isaguna dhankiisa xusay in madaxweynaha iyo wefdiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,

“Wefd igu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xiriirka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”

Si kastab xiriirkaan cusub ee u bilaawday Soomaaliland iyo Eriteriya ayaa daba socday kadib markii Madaxweynaha Soomaaliland uu dhawaan safar ku tagay Imaaraadka Carabta oo xiriir wanaagsan la leh dowladda Eriteriya.