Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo ka qeyb galay shir sanadeedka lixaad ee Stockholm

1584

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cisie Cawad ayaa ka qeyb galay shir sanadeedka lixaad ee Stockholm ee Nabadda iyo Horumarka.

Shirkan ayaa lagu casuumaa cilmi baarayaal, siyaasiyiin hore iyo Mas’uuliyiin dowladeed, waxaana soo qaban qaabisa Machadka Caalamiga ah ee Cilmi baarista Nabadgelyada ee Stockholm (SIPRI).

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay shirka ayaa waxay diiradda ku saareen arrimaha nabadda iyo horumarka, sida ay tahay in looga qeyb qaato dhibaatooyinka sababa nabadgelyo darada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeyb galay doodo kala duwan oo uu kaga hadlayay xaalada Soomaaliya, horumarka xilligan dalka uu gaaray iyo waxyaabaha ay dowladdu hiigsaneyso.

Shirkan oo socon doona saddex cisho ayaa waxaa jiri doona madalo kala duwan oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka jeedin doono khudbado, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan Wasiiro iyo wakiilo caalami ah, waxaana lagu falanqeyn doonaa nabad dhisida, degenaanshaha iyo horumarka.