Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia oo caawa lagu weeraray Gaalkacyo

630

Iska hor-imaad hubeysan oo khasaare geystay ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya Iska horimaadka uu bilowday ka dib markii Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ay fooda isdareen ciidamo ilaalo ka hayay Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali.

Askari ka tirsanaa ilaalada Wasiirka ayaa ku dhintay israsaaasaynta waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo ay ku jiraan Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo Nabaddoon Yaasiin Cabdi samad.

Dhaawacyada Nabaddoonka iyo Taliye ku xigeenka Qaybta ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda caafimaad islamarkaana waxa la sheegay in dhaawaca Taliye ku-xigeenka  uu yaha mid culus.

Wasiirka arrimaha dibadda oo Shabelle la hadlay oo dhacdadan ka hadlay ayaaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Puntland oo ka amar qaata Madaxweyne Deni ay ku soo qaadeen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac, xilli uu kulan afur ah u sameeyey xubno ka tirsan qoyskiisa.

Werarkaan ayaa imanaya kadib kulan maanta ka dhacay Gaalkacyo kaas oo laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay ka yeesheen inaan Gaalkacyo lagu qaban karin kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo hoggaanka Puntland.