
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.
Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ku dhaariyay wasiirka cusub ee AMniga gudaha Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur .
Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala.
Dhaarinta Wasiirka AMniga cusub ee Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadista Rooble ku sameeyay Wasiirkii Amniga Xundubey.



