Wasiirka Difaaca Talyaaniga oo Sheegay in xilligii Yurub soo dhammaaday

43

Wasiirka Difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto, ayaa si aan leexleexad lahayn u sheegay in xilligii Yurub uu dhammaaday, ayna tahay in la aqoonsado isbeddelka weyn ee ku dhacay nidaamka caalamiga ah.

Wuxuu dhaleeceeyay sida qaar badan oo reer Yurub ahi ugu fikirayaan sidii 30 sanno kahor, iyagoo aan garawsanayn in xaaladdu gebi ahaan is rogtay, sida uu baahiyay wargeyska Politico.

“Waxaan weli uga hadlaynaa Yurub sidii ay muhiimad u lahayd, balse xaqiiqadu waa in wax walba is beddeleen. Xilligii Yurub wuu dhammaaday.” ayuu yiri Crosetto op tusaale u soo qaatay in haddii Yurub ay lahayd siyaasad arrimo dibadeed iyo difaac mideysan, laga yaabi lahaa in ay door muuqda ka ciyaarto caalamka. Laakiin isagoo muujinaya niyad jab wuxuu yiri: “Maanta Yurub waxay u egtahay Qaramada Midoobay – wax muhiim ah uma harsana.”

Wasiirku wuxuu sidoo kale su’aal geliyay jiritaanka NATO, isagoo caddeeyay in:

“NATO hadda ma laha sabab ay u sii jirto, waayo xaaladda adduunku si buuxda ayuu isu beddelay.”
Crosetto wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta Mareykanka iyo Midowga Yurub aysan ahayn xudunta caalamka sida ay ahaan jireen, taasina ay u baahan tahay in la fahmo, lagana jawaabo si xeel dheer.

Ugu dambeyntii, wuxuu ku baaqay in reer galbeedku ay xoogga saaraan iskaashi cusub oo lala yeesho waddamada koonfurta caalamka (Global South), isagoo sheegay in jihooyinka awoodda cusub ee caalamka aysan ka iman doonin Yurub ama Maraykan, balse ay ka imaan doonaan dhinacyo cusub oo soo koraya.