Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo ka soo dagay Muqdisho+SAWIRRO

181

Waxaa lagu wadaa in Magaalada muqdisho ay si kala gooni gooni ah ay Magaalada muqdisho u soo gaaraan Madax kala duwan oo ka socota dalalka Afrika gaar ahaan wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxda Magaalada Muqdisho imaaneysa ayaa waxaa kamid noqon doona Madaxweynaha Ereteriya Asias Afwerki, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni iyo madax kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Jabuuti Xasan Maxamed Cumar oo Muqdisho soo gaaray.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud kala duwan, kuwaas horudhac ah Madaxda kala duwan ee imaaneysa Magaalada Muqdisho.

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa manta u xiran wufuuda kala duwan ee imaaneysa ,iyada oo siweyn loo adkeeyay amniga Magaalada Muqdisho laguna arkayo ciidamo farabadan oo amniga xaqiijinayo.