Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga Sonkor Jaamac. Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya ayaa shaqo joojintaan loogu sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana sababta lagu sheegay inay qayb ka tahay isbedelka ku socda Hay’addaha amniga dowladda. Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, ayaa sidoo kale Ku simaha Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhigay Warsame Maxamuud Xasan (Kaytoon).

1790

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga Sonkor Jaamac.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya ayaa shaqo joojintaan loogu sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana sababta lagu sheegay inay qayb ka tahay isbedelka ku socda Hay’addaha amniga dowladda.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, ayaa sidoo kale Ku simaha Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhigay Warsame Maxamuud Xasan (Kaytoon).