Wasiirka Qorsheynta Jubaland oo weeraray Madaxweyne ku xigeenka Jubaland

1651

Aadan Aw-Xirsi oo ah Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland in ay faragalin toos ku hayaan Odayaasha dhaqanka.

Wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa muuqday Khilaafka kala dhaxeeyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan, waxaana uu sheegay in Sharaf dhac ay ku hayaan waxgaradka.

Maalin ka hor ayuu sheegay Wasiir Xirsi in Waxgaradka gobolka Gedo Caburin iyo Sharaf ay ku hayaan labadiisa Mas’uul, islamarkaana aysan heysan Fursad ay ku soo xulaan xildhibaanada.

Maanta ayuu sidoo kale bartiisa Twiterka kusoo qoray in Wasiir ka tirsan Jubaland uu Odayaasha Beeshiisa u gacan geliyay liis Xildhibaanno ah, haddii ay beddelaanna ay kala kulmi karaan qatar kale.

Xirsi ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay Saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu ka mid ah xubnaha sida weyn u difaaci jiray sidoo kalena Wasaaraddo kala duwan kasoo qabtay Jubbaland.

Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan iyo Madaxweyne ku xigeenka labadaba wali kama hadlin eedeymaha kaga imaanaya Wasiir Xirsi.