Wasiirka Qorsheynta oo weerar afka ah ku qaaday Deni

1138

Wasiirka Qoraheynta Jamaal Xasan ayaa si adag u weeraray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni isagoo ku eedeeyay in uu dib u dhigayo murashaxnimadiisa uuna doonaya in uu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha Puntland.

Wasiir Jamaal waa xildhibaan ka tirsan federaalka Soomaaliya oo kurisgiisa  uu yaalo Puntland ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa  waxa uu ku yiri;

“Iyadoo Saed Abdulahi Deni uu daahiyay ku dhawaaqida musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho una xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya puntland, odayaasha beelaha, wakiilada iyo musharaxiinta baarlamaanka ayaa dhamaantood muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay, cagajugleynta iyo faragalinta uu ku hayo doorashada.”ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in uu faraha kala baxo guddiyada doorashooyinka haddii uu doonayo inuu dalka madax ka noqdana uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hore isugu soo sharaxay xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa ka maqan dalka waxana uu olole doorasho ka bilaabay dalka Kenya inkastoo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin musharaxnimadiisa.