Wasiirka ugu awooda badan Jubbaland oo Muqdisho yimid

1673

Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo ka mid ah Wasiirda ugu awooda badan Maamulkaasi Jubbaland ayaa shalay si lama filaan ah ku yimid Magalada Muqdisho.

Safarkiisa oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaanan weli la shaacin u jeedada ka dambeya,waxaana warar la helayo ay sheegayaan in la dejiyay Xarunta Hay’adda NISA ee Habar Khadiijo ee Magalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa ka mid ah Wasiirada ugu awooda badan Maamulka Jubbaland marka loo eego dhinaca gobolka Gedo,waxaana uu aad ugu dhow yahay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay safarka uu Muqdisho ku yimid Janan xilli uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Axmed Madoobe kaas oo aan weli xal laga gaarin.

Safarkaan uu muqdisho ku yimid Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa u muuqda mid Dowladda Federaalka ay ku dooneyso inay galangal ku yeelato doorashda la filayo in ay Bisha Agoosto ee soo socoto sanadkaan 2019 ka dhacdo Magalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.