Wasiirkii Arrimaha dibadda Somaliya oo xilka lga qaaday

1324

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad isaga oo xilkan u magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa goor dhaw shaaciyay warkan balse Wasiirku ma uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Xil ka qaadistaan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay salka ku hayso aragti kala duwanaansho la xiriirta dagaalaka ka socoda dalka Itoobiya.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir Axmed Ciise Cawad.