Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya oo geeriyooday

1691

waxa Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta uu ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Sida la xaqiijiyey Marxuumka ayaa halkaasi maalmahan u joogay Xanuun hayay,iyada oo halkaasi lagu daweynayay,hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday xanuunkii.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray,waxana uu hadda ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.