Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliland oo geeriyooday

1662

Waxaa Magaladaa Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliland xilligaana ka mid ahaa Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Sheekh Ibraahim oo loo yaqaanay(Aareeye) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalkaasi,kadib markii halkaasi loogu qaaday xaalad caafimaad.

Sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomalailand o uu mudo hayay,waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay Xisbiga WADANI oo uu Marxuumka ka tirsanaa.