Wasiiro Lagu Amray Inay Soo Celiyaan Gaadiid Ay Leedahay Dowlada

1696

Hanti dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey’addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal ka tirsnaa Xukuumadii hore, kuwo xilal haaya iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa lagu amray Wasiiradii horey, kuwa xilalka ka haaya Xukuumadda Rooble iyo xubnaha kale inay muddo 10 maalmood kusoo celiyaan gaadiidka dowladda oo ay heystaan.

Sidoo kale Hanti dhowrka Guud Qaranka ayaa hay’addaha dowladda faray inay qoraal ugu soo gudbiyaan caddeymaha dhammaan gaadiid loo soo celinayo iyo magaca hay’adda lagu diiwaan-geliyay gaadiidkaas.
Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.