Wasiirro iyo Taliyeyaasha ciidamada DF oo looga yeeray Baarlamaanka Somalia

1752

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia,
Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa si deg-deg ah ugu yeeray mas’uuliyiinta hay’adaha
amniga dowladda, si wax looga weydiiyo xaalada amni ee dalka, gaar ahaan Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay
xafiiska afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa lagu ogeysiiyay Ra’iisul
Wasaaraha, waxaana maalinta Sabtida oo ay taariikhda ku beegan 6-da Abriil loo
yeeray wasiirada gaashaandhiga, amniga, taliyeyaasha ciidamada iyo guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay
in kulanka maalinta Sabtida looga hadli doono oo kaliya arrimaha amniga, waxaana tani ka
dambeysay markii labaatameeyo xildhibaan ay soo jeediyeen mooshin lagu
dalbanayo inay hor-yimaadaan baarlamaanka madaxda hay’adaha amniga dowladda.

Ugu dambeyn, Xubnaha loo
yeeray waxay kala yihiin; Wasiirka Amniga DF, Maxamed Abuukar Islow [Ducaale],
Wasiirka Gaashaandhigga, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Ku-simaha Taliyaha
Nabadsugidda, Fahad Yaasiin, Taliyaha xoogga dalka, Daahir Aadan Cilmi [Indha-qarshe],
Taliyaha booliiska Somalia, Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Asluubta Jen. Bashiir
Goobbe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow.

AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya;