Wax kabaro taariikhda garoonka SAN SIRO STADIUM

2010

Kooxaha Inter iyo Milan waxa ay si wadajir ah ugu ciyaaraan hal garoon kaas oo marka ay AC MILAN lagu soo booqanayo loo yaqaan SAN SIRO STADIUM halka kooxda inter milan marki lagu soo booqanayo loo yaqaan Giuseppe Meazza stadium , kaas oo ah halyey labada koox usoo ciyaaaray.

Giuseppe Meazza stadium waa garoonka afaraad ee ugu weyn qaaradda yurub waxa uuna qaadaa 82,295 kun oo taageerayaal ah waxaana la dhisay 19 September 1926, waana garoon ku caan ah magaca san siro.

Garoonkaan ayaana marti galiyay afar final oo Koobka horyaalada Yurub ah waxa ayna ahaayeen 1965 oo ay inter ku guuleysatay, 1970 oo ay ku guuleysatay Feyenoord, 2001 oo ay Bayern Munich ku hanatay & 2016 oo ay ku guuleysatay kooxda Real Madrid.

Garoonka San Siro ayaana sidoo kale marti galiyay kulamo badan oo heer qaramo ah waxaana ka mid koobkii aduunka labaad ee la qabtay 1934 kii kulamada lagu ciyaarayne waxaa ka mid ah Switzerland vs Netherlands , Germany vs Sweden iyo Italy vs Austria.

Sidoo kale 3 kulan oo ka mid ah UEFA Euro 1980 ayaa lagu cayaaray iyo koobkii aduunka 1990kii ayuu martigaliyay 6 kulan oo ka mid ah waxaana ka mid ah kulamada lagu ciyaaray xulalka Argentina vs Cameroon, West Germany vs Yugoslavia, West Germany vs United Arab Emirates, West Germany vs Colombia , West Germany vs Netherlands iyo Czechoslovakia vs West Germany.