Wax kabaro taariikhda Gudoomiyaha baarlamanka Waqooyi Bari

22

Xildhibaannada dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomalaaya ayaa maanta u dooratay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay xilkaas.

Doorashada guddoonka golaha wakiilada ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadidray 83 xildhibaan, waxa uuna ku guulestay Dr. Aadan 53 cod halka musharaxii kula tartamayay doorashada Cabdiqafaar Maxamuud Maxamed uu helay 29 cod.

Guddoonka maamulayay doorashada ayaa sheegay in hal cod uu xumaaday sidaasina uu Dr. Aadan ku noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo isna doorashada kaddib hadal kooban u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa marka hore u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada kuwii u codeeyay iyo kuwii aan u codeyna, wuxuu sheegay in dhammantood uu guddoomiye u yahay, uuna si siman ugu adeegi doono.

“Mas’uuliyadda ballaaran aad i sarteen waxaan idinka codsanayaa in aad igula shaqeysaan oo aad inoo fududeysaan dhammaanteen si aynu horumarka aan hiigsneyno u gaarno” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari.

Guddoomiye Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan ayaa ka hor codeynta hadal uu jeediyay ku sheegay waxa uu qabanayo iyo sida uu doonayo in uu u hoggaamiyo baarlamaanka.

Wuxuu sheegay Dr. Aadan in uu ka shaqeyn doono dajinta xeerarka muhiimka u ah dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

“Waxaan xoojin doonaa sharciyo lagu horumarin doono dhaqaalaha, dowladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa”

Dr. Aadan wuxuu sheegay in uu doonayo sidii uu u xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya baarlamaanka iyo shacabka

“Waxaan ka shaqeyn doonaa hannaan lagu dhisayo kalsoonida shacabka si ay inoola xisaabtamaan” ayuu yiri Dr. Aadan oo sheegay in ay adeegsanayaan nidaam odaytinimo.

“Shirarka iyo doodaha baarlamaanka waxaanu u mareynaa si ay ku dheehan tahay odaytinimo iyo xilkasnimo”

Mar uu ka hadlayay sida uu ku maareyn doono xildhibaanada kala aragtida duwan, waxa uu sheegay in uu noqonayo guddoomiye dhexdhexaad ah.

“Waxaan noqon doonaa guddoomiye dhex u ah dhammaan xildhibaannada, xisbiyo haddii ay jiraan iyo dhammaan koox walbo oo siyaasadeed”.

Amniga iyo difaaca maamulka ayuu guddoomiye Aadan sheegay in uu wax ka qaban doono sidii lagu soo celin lahaa dhul uu sheegay in maamulka uu ka maqan yahay.

“Waxaan xukuumada kala shaqeyn doonaa soo celinta dhulka iyo deeganada naga maqan”.
Dowladda Fedeeralka Soomaaliya ayaa maamulka Waqooyi Bari ugu hambalyeysay sida ay u dhacday doorshada guddoonka baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee maamulka Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashadan ay muujineyso tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday.

“Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajaynayaa in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, anigoo aaminsan in uu door muuqda ka qaadan doono xaqiijinta dowlad-dhiska, dhammaystirka geeddi-socodka doorashada iyo ilaalinta sharciga”.

Taariikhda Waxbarasho

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan oo loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadku markii uu ahaa 1954-tii.

Waxbarashadiisa dugsiga hoose wuxuu ku qaatay Yagoori halka dugsiga dhexena uu kaga baxay Laascaanood sanadkii 1973-dii.

Dugsiga sare waxa uu kaga baxay iskuulka Sheekh Bashiir ee magaalada Burco sanadkii 1977-kii.

Kaddib markii uu dhameeyay iskuulka waxa uu sii watay waxbarashadiisa jaamacadeed isagoo galay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka bartay cilmiga beeraha.

Dibada ayuu u aaday waxbarashada heerka labaad ee jaamacada, wuxuuna dhaqaalaha beeraha master kaga qaatay jaamacad ku taal Mareykanka sanadkii 1988-kii. Isla Mareykanka waxa uu sanadkii 1992-kii ka qaatay shahaadada PHD.

Guddoomiye Aadan waxa uu sheegay in uu ka shaqeeyay dalka inta uusan ka bixin.
“Lix sano ayaan ka shaqeeyay Soomaaliya inta aana dalka ka bixin, markii aan wadanka ka baxayna waxaan 24 sano u shaqeynayay hay’ad cilmibaaris dhinaca beeraha ah”.